Xubnaha Caawa Garaacista lagu dilay,waxaa ka mid ah Madaxii hawlgelinta Daacish ee Caalamka oo idil.
Sidoo kale,waxaa lagu xasuuqay Maleeshiyaad tiro badan oo argagixisada ah.
Galabta 17:45 Galabnimo,ayay dhacday duqayntan aadka u xooga badan oo dhulku gariirisay ee lala beegsaday argagixisada.
Garaacista Caawa,waxaa lagu rusheeyay Toga-jeceel Wangable iyo Dhasaan ilaa Buqo,waxaana Garaacistu gaaraysay ilaa 11-jeer.
Waxaa Gacanta lagu dhigay Firxad argagixiso,waxaana lagu qabtay Garowe iyo Dangoronyo Xubno argagixisa ah oo iskugu jira Carab iyo Somali.
1.Garowe,waxaa lagu qabtay Hal Nin oo Carab ah.
2.Dangoronyo,waxaa lagu qabtay Hal oo Carab ah.
3.Cuun oo Garowe hoos tagta,waxaa lagu qabtay Laba Nin oo Somaliya.
Caalamku,waxa uu ujabay dagaalka argagixisada ee PL,waxa uuna uhuray Naf iyo Maal.
Imaaraadka,Maraykanka iyo Itoobiya,ayaa door muuqda ka qaatay dagaalka.
Si gaar ah Imaaraad,ayaa kasbaday Quluubta Shacabka Puntland oo umuujiya Walaalnimo aan Afka baarkiisa ahayn oo ficil wadata.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.