Faallo:-49-Xildhibaan oo lagu galo Doorashada waa udhimasho Siyaasadeed MW Deni

Si walba oo loogu hunbaaleeyay,waa usoo dabci waayay Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta isxanbaarka ah ee raba in ay boobaan Xildhibaanada Gobolka Sool.

Karaash uma hiillinayo Sool ee waxuu waayay 7-Xildhibaan oo uu si gaar ah uga rabay Xildhibaanada Sool.

Sidoo kale Siyaasiyiinta kale,waxay ku Xisaabtamayeen 7-da Xildhibaan ee Karaash helo in ay ka iibsadaan,waana waayeen,sidaa ayayna Shirka Isimada qaarkood u abaabuleen ee 49-ka.

Dhamaan Dhaqan iyo Siyaasiba,waxay duullaan ku yihiin boobka Xildhibaanada Sool ee Dan Ummadeed ma agtaal.

Deni,waa in uu ka dhabeeyaa oo uusan faragashan Shaqada Gudiga khilaafaadka ee Berri foog soo dhajinaya Liiska Xildhibaanada 66-da ah ee cusub.

Deni,waa in uu ilaalsadaa taariikhdiisa oo aysan ugelin in uu yahay Ninka Baarlamaankeeda qaybiyay,isla markaana ku mintidaa taariikhdiisa Xoraynta Sool.

Ninka kaa danbeeyaa ha qaybiyo haduu rabo lkn Adiga oo haatan xoreeyay Gobolkii maqnaa yaan lagaa shaashayn taariikhdaas Deniyoow.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading