Daqiiqado ka hor,waxaa Hoobiyayaal lagu garaacay Xarunta Diblomaasiyiinta Shisheeye ee Xalane.
Shalay Wadada kaliya ee Madaxdu marto markay Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade usocoto,ayaa Qarax lagu weeraray kolonyadii MW,waxaana la burburiyay mid ka mid ah Sadexda Gaari ee Calanka la saaro,balse nasiib wanaag kii uu ku jiray MW ma noqon,malaha xogtaa ka khaldantay.
Waxaa kasii horeeyay digniino amaan oo sababay in uu xirmo Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade.
Waxaa kasii horaysay in RW Itoobiya oo soo degaya lagu weeraro Hoobiyayaal.
Tuuta xirashada iyo Aadista Aadan-yabaal ee Xasan Shiikh,waa Sanbuuse laga adimay,sababtoo ah….
1.Argagixisadu Xamar ayay buux dhaafisay,waxayna si cad u weerarayaan Xarumihii muhiimka ahaa.
2.Xasan Ciidan uma hayo dagaalka argagixisada xiligan.
3.Xasan Dhaqaale uma hayo dagaalka argagixisada xilligan.
4.Xasan taageero Shacab iyo mid Beelaha ah uma hayo dagaalka argagixisada xiligan.
5.Xasan taageerada Siyaasiyiinta uma hayo dagaalka argagixisada xiligan.
6.Xasan taageerada Beesha Caalamka uma hayo dagaalka xiligan.
Fursada kaliya ee wax lagu badbaadin karo,waa isaga oo qirta in uu fashilmay taladana Dhulka dhiga,isla markaana aqbala waxa lagu taliyo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.