Faallo:-Afrika,waxay ubaahi qabtaa hogaamiyayaal aragti iyo han leh.

Waa dhab Kenya iyo guud ahaan Afrika,waxaa umuhiimsan meesha dantoodu taalo oo ay fursado ka heli karaan Galbeed ama Bari.

Maraykanka,waxay kala shaqayn karaan Amaanka.

Ruushka,waxay wadaagi karaan Ganacsiga.

Shiinaha,waxay kala shaqaynsan karaan horumarka.

Balse Madaxda Afrika Dal iyo Dad uma daneeyaan intooda badan oo tooda ayay ilaalsadaan,waana mida keenaysa in ay daneeyaan Ruushka oo Hub siiya ay Dadka ku caburiyaan iyo Shiinaha oo Lacag kala hadla koo aan ku fara gelin Kuraastooda iyo siday wax uxukumayaan.

Galbeedka,way ak duwan yihiin oo Siyaasadoodu waxay ka duushaa Laba Qodob oo kala ah Dan iyo Qiime.

Qiimaha oo ah qiyamka ay utaagan yihiin ee Dimuqraadiyada iyo Xoriyada,ayaa ah halka ay isku seegaan hogaamiyayaasha Afrika ee aan la tusin Dimuqraadiyad iyo xoriyad.

Qodobka Labaad ee Danta,way ku shaqeeyaan oo marka ugu danbaysa tooday ka raacdaan,waxaase jira Hay’ado,Ururo iyo Bulsho badan oo gudaha Wadamadooda ah oo kaga hor yimaada Siyaasadaha danaysiga ee Dowladahoodu qaataan.

Afrika,way baahan tahay,waxayna ubaahi qabtaa hogaamiyayaal aragti iyo han leh.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading