Faallo:-Axmed Madoobe daacad maka yahay dagaalka argagixisada?

Shabaab,ayaa weerarta Ciidamada Jubaland iyo kuwa Kenya ee iyagu masoo weeraraan,waa wax cad taas.

Labadii weerar ee ugu danbeeyay oo Alshabaab ay ku qaadaan fariisimaha Ciidamada JL waxay ku burburiyeen Saldhigyadii,Gaadiidkii Dagaal,Saadkii iyo tiro badan oo Ciidanka ah.

Janaay Cabdalla iyo Baar Sanguuni,ayaa tusaale loosoo qaadan karaa,waxii ka dhacay,marka laga soo tago Dhoolatuska Tuutaha Axmed.

Doodu waxay hada taagan tahay Laba Qodob oo kala ah…

1.Ciidanka JL iyo kuwa Kenya waa looga adag yahay dagaalka ka fool ka foolka ah.

2.Ciidanku ma jilicsana ee Axmed,ayaan daacad ka ahayn dagaalka,xoraynta Dhulka JL iyo baahinta maamulka,waxaana jira tuhun weyn oo laga qabo in uu jiro xiriir ka dhaxeeya isaga iyo Shabaab.

Axmed Madoobe,waxa uu qaracan hada ka yahay Ciidamada Itoobiyaanka ee soo galaya Gedo iyo Jubooyinka oo qaybta ka ah dagaalka Wajiga Labaad.

Si weyn,waxuu ubaadigoobayaa tagida Adis iyo la kulanka Wardoonka iyo Milleteriga Itoobiya umase suuroobin ilaa iyo hada.

Itoobiyaanku waxa uu ugu qoran yahay Axmed Dil.

Dhanka Villa Somaliya waxay u aragtaa Axmed in uusan dagaalka rabin lugna jiidayo,waxaana udiyaarsan qorshe ka dhan ah.

Xamse iyo isaguna xataa xiriir maleh,sida xoguhu sheegayaan.

Wal-walka haysta,waa Sanadka danbe wakhtigii mudo kororsiga oo idlaaday iyo Bu’aalle oo Itoobiyaanku joogaan laguna qabto doorasho Madaxweyne oo uusan Dadka uga macno badnayn.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading