Faallo:-Axmed Madoobe ma ka badbaaday dabinkii Damjadiid?

Talaabada uu qaaday Baarlamaanka JL,waa khalad oo waxay ilhaamo ku tahay nidaamka iyo in la helo JL lawada leeyahay oo horumar samaysa.

Balse,waa khalad in la galo Maanta la taageeri karo ama ay tahayba in la baritaaro.

Koonfurta Somaliya in laga helo wax caqabad ku noqda rabitaanka Xasan Shiikh,waa loo baahan yahay.

Inkastoo hadana la fahmi karo Xasan in uu Wadadaas oo kale mari karo oo tusaale ka dhigan karo Axmed Madoobe.

Lkn mararka qaar khalad in aad ka shaqayso Siyaasadaa dhigaysa.

Axmed Madoobe,waa ka hor dhacay dabinkii Damjadiid ee ahaa ilaa Sabtida in la meermeeriyo Axmed kadibna lagu soo dul saaro Shuruucda iyo Gudiga Doorasho ee Xasan diyaarsaday.

Haatan Baarlamaanku waa ufuray Wadada,waxaana la filayaa ugu danbayn Bishan ama tan danbe bilowgeeda in uu qabsado isdoorashadiisa oo markan ah 5-Sano.

Gudi Doorasho oo cusub Axmed uma baahna oo kii horaa ujooga kaliya Laba xubnood oo ka maqan,ayuu buuxinayaa.

WQ.JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading