Faallo:-Badbaadada Somaliya markale,waxay agtaalaa reer Puntland.

Somaliya oo burburtay,waxaa dib usoo nooleeyay PL iyo aragtideedii nidaamka Fadaraalka.

Markale nidaamkii Fadaraalku,wuxuu ku jiraa khatar,waxaana sii libdhaya rajadii Qaranimo iyo midnimadii.

Fursada kaliya ee harsan,waa in loo guuro Confadaration iyo Caasimada oo laga wareejiyo Muqdisho.

Waxgaradka soo jireenka ah markaad dhan walba ka warayasato,waxay hadalka kusoo gunaanadayaan in rajadaas kaliya ay harsan tahay oo hadii la waayo ay udhamaatay rajo danbe oo Qaran mid ah oo Somaliyed lagu helo.

Xaqiiqdii,waxaa muuqata in talada Wadanka ay Gacan ugashay Siyaasi Layli ah iyo Shacab usacab tumaya oo aragti gaaban.

Xamar ma taalo Caqli badbaadin kara Sinjiga Somaliga,sidoo kalena Hargaysa,waxaa ka jirta caadifad xuduudii dhaaftay oo la mid ah tii 60-kii ee aan Caqliga lagu darin.

Badbaadada Somaliya markale,waxay agtaalaa reer Puntland.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading