Faallo:-Beledweyne waxa ka dhacay lama dhayalsan karo!!

Waxa Beledweyne ka dhacay Maanta mahan wax caadiya xaqiiqdii.

Hotel ay daganaayeen waxgaradkii iyo Siyaasiyiintii diyaarinayay Ciidamo cusub oo la hawlgeli lahaa kuwa Itoobiyaanka,ayay Cagta mariyeen.

Waxaa niyad jabka xoojinaya,waa in Nisa ay ogaan wayday Gawaarida Qaraxyadu ka buuxaan ee ku jiray Magaalada.

Sanbalooshe hawshan isagaa isku xirxiray oo Itoobiyaanka heshiiska lasoo galay,isla markaana Beelaha abaabulay,waana Deegaankiisii uu Maalmo ka hor joogay.

Dadka ku Naf waayay,waxaa ku jira Nabadoono cuslaa oo hormuud u ahaa qorshaha dagaal ee dhanka qoraxsinka looga saari lahaa argagixisada.

AS awooda cusub ee ay lasoo baxeen mahan wax la dhayalsan karo,waa khatar weyn oo guud ahaan Geeska taabanaysa.

Labadii Shabelle,waxay u eg tahay in ay kaga adkaadeen Ciidamadii DFS,waxayna si cad ugu wajahan yihiin Muqdisho.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading