Faallo:-Bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Mustaqbalka Maamulka Koonfur-galbeed?

18-ka Degmo ee KG ka kooban tahay 14-ka mid ah,waxaa jooga Ciidanka Itoobiya.

Hadii la saaro Ciidamada Itoobiya,waxay ka dhigan tahay in Shabaab la wareegay Degmooyinkaas.

Maraykanka oo wata qorshaha Ciidamada Itoobiya looga saarayo Somaliya waa og yahay xogtaas mase kala jecla oo waxa uu leeyahay Dadka Deegaanku,waa in ay iska difaacaan Shabaab.

R.Galbeedku,way ka niyadjabsan yihiin KG,si gaar ah UK oo KG maalgelisay amnigeeda,waxay qiimaynteedii kusoo ururisay in Ciidanka ugu badan ee Shabaab helo ay yihiin reer KG si walba oo loo taageero aysan iska dhicinayn Shabaab,isla markaana Askariga KG haduu Bil waayo Mushahaar uu galayo Xerooyinka Barakacayaasha ama Shabaab inta uu Tuutaha tuuro.

Sida muuqata hadaan wax iska badalin qorshaha Maraykanka Ciidanka Itoobiyaanku way ka bixi doonaan Somaliya.

Maraykanku Itoobiyaanka saamaynteeda Gobolka in uu yareeyo,ayuu ka Shaqaynayaa ,waxaana booskoodii lagu badalay Kenyanka.

Laftagareen ma badbaadi doono,sababtoo ah awooda rasmiga ah ee uu ku tiirsan yahay waa Itoobiyaanka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading