Faallo:-Booqashada MW Kenya oo saamayn ku yeelatay Somalida

60-Sano ka hor Ra’isalwasaare Somaliyed,ayaa Aqalka Cad si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyay,waxaana qaabilay Madaxweynihii Maraykanka.

60-Sano kadib MW Jamhuuriyada Somaliya,waxa uu kula kulmaa Safiirka Maraykanka Garoonka Magaaladii Caasimada ahayd,iyadoo aan lagu aamini karin amnigiisa Xaruntii Madaxtooyada Qaranka.

Waa tusaale cad oo loosoo qaadan karo Qaran burburay marka laga hadlayo.

60-Sano ka hor Kenedy booqashadii Cabdirashiid kadib,waxaa laga hayaa Somalidu waa Dad macno leh ee aan wax la qabano.

60-Sano kadib Somaliya,waxay caalamka caan uga tahay Wadankii fashilmay ee tilmaanta ulahaa….

1.Fakhri.
2.Jahli.
3.Amni xumo.
4.Nidaam la’aan.

60-Sano kadib Somalidu Qabaa’ilo ayay ukala tagtay,waxayna usii kala jabeen 2024 Sadex Qaybood halka la saadaalinayay isku soo dhawaansho.

Madaxa CIA oo kula kulmay Xasan Sh.garoonka Aadan cade waxa lagaa sheegay in uu ku yiri waa idin garabgalaynaa ee idinkuna midooba.

Xasan,waa tilmaanta fashilka Qofka Somaliga ah oo salkiisu yahay hogaan xumo.

Waxaa la oran karaa Somaligii noolaa 60-Sano ka hor waa ka nasiib badnaa kan hada nool oo waxuu ku beegmay wakhtigii Dahabiga ahaa ee Somalida.

Rajadu ma dhamaato,waana la filan karaa Somalida oo Qaran qiimo leh wada dhisata.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading