Faallo:-Booqashada Putin Ee Kuuriyada Waqooyi

Markii ugu dambeysay ee uu booqdo Kuuriyada Waqooyi sanadkii 2000, waxyar kadib Vladimir Putin waxa uu noqday madaxweynaha Ruushka.

Xiligaas Waxa uu la kulmay soo dhawayn aad u ballaaran, waxaana loo riday 21 madaafiicda maamuuska salaanta. Waxaana garoonka diyaaradaha si shaqsi ah ugu soo dhaweeyay hogaamiye Kim Jong Il oo ah aabaha hogaamiyaha hadda Kim Jong Un.

Putin xiligaas waxa uu u socday soo celinta xiriirka Moscow iyo Waqooyiga.

Midowgii Soofiyeeti ayaa taageeray Kuuriyada Waqooyi markii gacanka Kuuriya uu laba u kala jabay dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, Maraykanku wuxuu taageeray koonfurta

Laakiin isbahaysiga u dhexeeya Pyongyang iyo Moscow ayaa si tartiib tartiib ah u xumaaday sannadihii xigay, Moscow waxay kaloo ay bilowday in ay xiriir la sameyso Kuuriyada Koonfureed.

Laakiin ka dib markii uu Putin xukunka qabtay, waxa uu si firfircoon u doonayey in uu dib u soo dhiso xiriirka Pyongyang, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in ay calaamad u tahay Putin oo doonaya in uu ballaariyo saamaynta gobolka ee Ruushka.

Xigasho:-BBC.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading