Maxaa kala socotaa saamaynta Caalamka Ee Maraykanka?

Awoodaha saamaynta Maraykanka ee caalamka,waxaa ka mid ah…

1.Nidaamkiisa hab maamul oo lawada qaatay (Dimuqraadiyada).

2.Luuqadiisa oo lawada isticmaalo.(English)

3.Dhaqankiisa oo ah Filimadiisa.(Holly Wood)

4.Cuntadiisa oo caalami ah (KFC iyo MCDonalds)

5.Tiknoolajiyada (Google iyo Microsoft)

6. Milleteri ahaan,waa Wadanka kaliya ee awoodi kara Cirifyada caalamka in uu Ciidankiisa Saacado kaga hawlgeliyo.

Maraykanku waa dhaqaalaha ugu xooga badan caalamka,waxaana Dalkiisa ku yaala hay’adaha dhaqaalaha Aduunka maamula sida..

1.IMF
2.World Bank.
3.WTC.

Sidoo kale,wuxuu Gacanta ku hayaa IBAN iyo Swift oo la’aantood uusan Bangi Shaqayn karin Caalamkan.

Wuxuu kaloo leeyahay Lacagta sida caalamiga ah wax loogu kala iibsado loona kaydsado,waana Lacagta ku qiimaysan Saliida caalamka.

Dhaqaalaha usoo xarooda Sanadkii,waxuu ka badan yahay baahida Dadkiisa,taasoo ka dhigaysa Qani.

Maraykanka iyo saamayntiisa Wajiyada badan ee caalamka ma jiro Wadan buuxin kara,isla markaana loogama maarmo…..

B.Ilaalinta Dimuqraadiyada.
T.Ilaalinta Shuruucda caalamiga ah.
J.Ilaalinta Xuquuqda Bini’aadamka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading