Faallo:-Brics ma isku dhererin karaan Awooda Maraykanka?

Brics marka laysku daro Wadamada ku bahoobay Dhaqaalahooda ma gaari karaan Maraykanka oo laga reebay R.Galbeedka kale.

Sidoo kale Dhaqaalahoodu Saacad kama maarmo Suuqa Maraykanka oo wax soo saarkooda,waxaa iibsada oo Macbiil u ah Shacabka Maraykanka.

Waxaa kaloo xusid mudan Shirkadaha,Tiknoolajiyada iyo Warshada aduunka ugu waa weyn 80% Maraykan,ayay ku yaalaan.

Kuwa Maamula Dhaqaalaha caalamka,waxaa Gacanta ku haya Maraykanka,isla markaana Qiimaha Saliida Caalamku Dolar,ayay ku qiimaysan tahay waana Kaydka Lacageed ee xataa Ruush iyo Shiine.

Marka laga soo tago dhawr Wadan oo laga xusi karo Shiinaha,Hindiya iyo Ruushka intooda kale Wadamada BRICS,waa Dayn iyo Deeq raadis.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading