Waa ilaahay mahadii iyo Libin ku geeraar,hadii Caawa girgirka nalugala dhegan yahay guusha ka timid dagaalkii argagixisada ee PL.
Maalmo ka hor,waxaa la gadayay dagaal argagixiso majiree Dani,ayaa Macdan guranaya.
Sidoo kale Xasan Geed dheer iyo mid gaaban,waxa uu ufuulay fashilinta hawlgalka sifaynta argagixisada ee PL.
Garaacistan Caawa,waxaa ka horaysay Laba garaacis oo ay fulisay Dowlada Imaaraadka,kana,waa kii Sadexaad oo Maraykanku fuliyo.
Xogta iyo goobaha la garaacayo,waxaa bixiya Talis fadhiya garoonka Diyaaradaha Bosaso oo iskugu jira PL iyo Beesha Caalamka.
Fulinta hawlgalka,waxaa la isticmaalaa Magaca DFS iyo BC ee wada Shaqaynta dagaalka argagixisada.
PL,waa Qayb ka mid ah Somaliya,waana Dowlad weli Xubin ka ah DFS.
Sidoo kale Somaliya,waxaa Dowlad QM aqoonsan tahay u ah mida Sanadku uharay ee fadhida Villa Somaliya,mana ahan wax lala yaabo in Shaqo ahaan la Magac dhabo.
Xasan iyo kooxdiisu markay libin kale waayeen,waxay Caawa Libin ka dhigteen Magac dhabida DFS oo ay uhaystaan iyaga kaliya in ay leeyihiin.
PL,waa guulaystay hawlgalkeedii la dagaallanka argagixisada,waxa uuna noqday mid caalamiya oo aqoonsi helay,waana sii soconaya.
JQ.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.