Faallo:-Caqabadaha hor yaala gooni istaaga Sool?

Sool in ay kaligeed meel istaagto’waxaa hor taagan caqabado waa weyn sida Somaliland u hor taagan yihiin caqabado gooni istaageeda…

1.Dastuurka Fadaraalka ah.

2.Somaliland iyo doodeeda Dhulkii British SL.

3.Danaha reer Galbeedka ee Geeska Afrika.

Sool uma babac dhici karto caqabadaha ku wareegsan hardankooda,waxaana danteeda ku jirtaa oo ay ku badbaadi kartaa kasii mid ahaanshaha Puntland.

Hadii ay ka baxdo PL waxay noqon doontaa in SL ay cidlo ka hesho Milleteri ahaan iyo Siyaasad ahaan,iyadoo ay jujuubayaan DFS iyo BC.

Hadalkii Firdhiye ku hadlay,waxuu ahaa mid ka baxsan Diblomaasiyada oo dhabarjab ku ah danaha Siyaasi ee Sool,isla markaana fursad siinaya SL.

Dhanka PL ,waxaa haysta cadaadis uga imaanaya reer Galbeedka,kaasoo ku aadan Sool iyo arinkeeda,waxaase waajib ku ah in aysan meel cidlo ah uga tagin Sool,iyadoo hadana tixgelinaysa danaheeda xiriir ee Beesha Caalamka.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading