Abaabul-kii Dagaalka
3-bilood oo wada hadal ah ka dib Mashruucii Saracen wuxuu soo gaaray in ciidan la isku abaabusho ka dib markii qandaraasleydii qayb ka mid ah oo u hoggaaminayo Bashiir Cabdullahi Saalaxdeer uu bilaabay abaabulka Beesha uu ka soo jeedo oo deegaan ahaan degta Gobolka Bari, wuxuuna bilaabay inuu mideeyo dhamaan ciidamada Beesha iyo maleeshiyaad Beesha kasoo jeeda oo hubaysan wuxuuna Taliyaha Ciidanka ka dhigtay Ciise Yulux wuxuuna sidoo kale Abaan-duule ka dhigtay Taliye Siciid Wacays
Waxayna Saraakiishaasi diyaariyeen
26 gaari oo tikniko ah oo ay magaalada Carmo ku diyaariyeen iyo 17 Tikniko ah ay gudaha Boosaso ku diyaariyeen gaar ahaan xarunta PDG-da iyo Guriga Xildhibaan Maxamuud Mashruuc Saraakiishaan waxay dhinaca kale diyaariyeen 200 ah oo Ciidan iyo maleeshiyo iskugu jira waxayna duulaan kusoo galeen Magaalada Boosaso, waxayna ku dileen kontorool ka hore ee magaalada 2 askari oo boowliska PL ah waxayna gacanta ku dhigeen 7 qori oo AK 47 ah iyo ( 3 )qori PKM ah oo ay ciidamadu lahaayeen waxayna ugu danbeyntii galeen magaalada Boosaso.
Madaxweyni Deni iyo Ganacsade Maxamuud shido oo ka hortagaya abaabulka uu wado Ganacsade Saalaxdeer ayaa bilaabay inay kala furfuraan Beesha uu kasoo jeedo Bashiir waxayna Dalka Cumaan uga yeerteen Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Cabdullahi waxayna si dag dag ah Gudoomiyaha Gabolka Bari ugu magacaabeen Abwaan Yuusuf, waxayna Wasiiru-Dawle siiyeen Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado laakiin intaasi ma hakin abaabuulkii uu waday Bashiir Cabdullaahi Saalax
Kadib markii ay yaqiin sadeen Madaxweyne Deni iyo Maxamuud shido in xilalkii ay bixiyeen waxba badali waayeen waxay bilaabeen abaabul ciidan waxayna kala qaateen qorshe dagaal iyo inay awood ku meel mariyaan go’aan ah in meesha laga saaro Baashiir Cabdullahi Saalax taasoo sababtay in dhinac walba cududiisa banaanka keeno.
Arinta diyaarinta ciidanka ayaa waxaa loo xilsaaray Xasan shir Abgaal oo ah Wasiirka Maaliyada, wuxuuna diyaariyay ciidamo ay kala wataan saraakiil kala ah Jimcaale Jaamac Takar, Cabdulqaadir Yuusuf Caagadayste, Maxamed Axmed Qolaali, Mubarak Cabdi warsame Jiqda iyo C/qaadir Jaamac Dirir oo ah Taliyaha qaybta booliiska gobolka Karkaar.
Saraakiishaasi waxay diyaariyeen gaadiid dagaal oo garaaya 30 Tikiniko iyo ciidamo tiradadoodu u dhaxayso 250 ilaa 300 askari, kuwaasoo qaybtood laga soo saaray Jiida dagaalka ee Tukaraq. Taliye Caagadayste iyo ciidamo uu wato waxay saldhig ka dhigteen tuulada Kalabayr, Taliye Maxamed Axmed Qolaali iyo ciidamo uu wato iyagana waxaa la dajiyay kontorolka magaalada .
Dhinaca kale Wasiir Xasan Shire wuxuu diyaariyay ciidamo gurmad ah oo ay kala wataan saraakiisha kala ah Cismaan Xasan Cowke (Afdalow) iyo Muxiyadiin Axmed Muuse
Magaaladda Boosaaso ayaa xaalad ahaan u ekaatay meel lagu diriri-doono iyadoo la iskugu geeyey ciidamo gaaraya 500 oo askar iyo maleeshiyo isku jirta oo ay kala haggoominayaan Wasiir Xasan shire Abgaal iyo Ganacasade Bashiir Abdullahi Saalax .
DHAQAALIHII LAGU DIRIRAY
Sababta keentay dagaalka intaas le’eg iyo in khatar la geliyo amniga Puntland oo dhan iyo midka magaalada Boosaaso gaar ahaan ayaa ahayd lacag dhan 210 milyan oo doolar oo Puntland soo gashay xiliyadii Madaxweyne Faroole iyo Madaxweyne Gaas. in gacan ku haynteeda 10’ka sanno ee soo socota la kala badsado iyadoo qolo walba ku dadaaleysay inay saamiga badan iyadu qaadato.
Haddaba sidee ayay kala ahayeen dhaqaalahii kasoo galay Puntland Shirkada Saracen ( PMPF ) 10′-kii sanno ee la soo dhaafay.
Dhaqaalaha Imaraadku ku bixiyay asaaskii iyo howlgalintii mashruuca Saracen ama PMPF waxa uu kor u dhaafayaa Boqolaal milyan oo dollar oo isugu jirtay lacagihii laaluushka lagu bixiyay xiligii la asaasay, Dhismihii iyo qalabayntii ciidamada, Mushaharka iyo adeega ciidamada, lacago lagu bixin jiray horumarinta 4tii sanno ee u horreeyay mashruuca oo aan hal mashruuc oo horumarin ah lagu fulin iyo lacago tiro badan oo laaluush ahaan loo siin jiray Madaxda Puntland, odoyaasha dhaqanka iyo siyaasiinta intaba.
Waqtigii Madaxweyne C/raxmaan Faroole intii u dhexaysay 2010 ilaa 2014kii Imaaratku waxay soo diri-jireen bil walba 3 Milyan oo doolar oo isugu jirtay Mushaharka, adeega Ciidamada iyo lacago kale oo loogu talagalay horumarinta degaamada Puntland, waxaana loo kala qaybin jirey 2 Milyan oo ciidanka iyo qandaraasleydo qaybsan jireen iyo 1 Milyan oo Madaxtooyada aadi jirtay gaar, lacagtaas loogu talagalay horumarinta.
Heshiiska lala galay shirkadii Sarecen ayaa waxaa ku jiray in la bixisyo lacago lagu horumarinayo Ciidamada Booliiska, Caafimaadka, waxbarashada, Biyaha, gurmadka degdega ah iyo baahiyaha gaarka ee bulshada ku nool degaamada laga howlgalyo, lacagtaas waxay socotay 4 sano ee xiligii xukuumadda Faroole iyadoo aan hal mashruucna lagu fulin waxayse gabi ahaanba la joojiyay xiligii Madaxweyne Gaas.
Lacagaha la maamulay waqtigii Madaxweyne Faroole ayaa gaaraya 192 Milyan oo doolar oo kala ahayd 48 Milyan oo lagu magacaabay Horumarin Puntland oo ku xarootay Akoomo gaar ah iyo 144 Milyan oo Ciidamada iyo Qandaraasleydu qaateen,
Sidoo kale waqtigii Madaxweyne Faroole wuxuu dhaqaaluhu gaaray wasiiro guryo waaweyn ka dhistay Garoowe, Agaasimeyaal Madaxtooyo iyo dad la olog ahaa Madaxweyne Faroole iyadoo lacagihii horumarinta looga qaaday Imaaraadka aan hal-mashruuc looga fulin Magaalada Garoowe ayaa hadana waxaa laga dhistay Guryo badan Magaalada Garoowe iyo Bosaso.
Waqtigii Madaxweyne Gaas ayaa Imaaratku bilaabeen inay hoos u dhigaan lacagtii ay bixin jireen ka dib Sanadkii 2015kii markii ay Wadanka Imaraadka ku casumeen Madaxweyne C/weli Maxamed Cali, casumaadaas ayay Madaxweynaha sooryo ahaan u siiyeen 1.5 Milyan dollar iyo gaadiid gaaraya 9 baabuur oo isku jiray baabuur ciidan iyo 2 aan xabadu karin oo ah Baabuurta uu hadda wato Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Waxayna bilaabeen Saraakiisha Imaraadku inay tartartiib u jaraan lacagihii ay bixin jireen ka dib sooryadii ay siiyeen Madaxweyne Gaas waxayna gaarsiiyay 1.3 ilaa 1.5 Milyan dollar Bishii .
Xiligii xukuumadda Madaxweyne Gaas, Saraakiisha Imaraarka ee maamulayay mashruuca Sarecen waxay Puntland keeneen 54 Baabuur oo ah nooca raaxada ee Lancures, kuwaas oo loo qaybiyay qaar ka mid ah Isimadda Puntland, Siyaasiyiin, Saraakiisha ciidamada iyo shakhsiyaad kale oo saaxiib la ahaa Madaxtooyada iyo ganacsatada maamulaysay mashruuca
Lagaha la maamulay waqtigii Madaxweyne Gaas ayaa gaaraya 78 Milyan oo doolar waxaana shirkadda PDG la marsiin jiray 1.3- 1.5 Milyan dollar, iyagoo qiyaastii 400 kun oo dollar bil walba si gaar ah u maamuli jiray, waxaana lacagahaan qaybsan jiray qandaraasleyda, waxaana aadi jiray Akoon Madaxweyne Gaas lacag gaaraysa 600’kun oo dollar sanadkii halka dhica ciidamada ay heli jireen mushahar kooda oo kaliya oo lagasii jaray 20% iyo adeegyada qaarkood.
Madaxweyne Deni oo doonaya inuu 10-ka sano ee cusub uu saamigiisa qaato ayaa saluugsan lacagtii uu qaadan jiray Madaxweynihii isaga ka horeeyay, taasoo sababtay in qandaraaslayda iyo Madaxweynuhu ku dagaalamaan saxiixa 10-ka sanno ee soo socota halka aan Puntland marna la iswediin maxaa Mashruucaan dan ah oo ugu jira ? .
Inkastoo Ismada Puntland ay dadaal ugu jiraan inaan dagaal dhicin oo lagu heshiiyo dhaqaalaha laga helo Saracen hadana shacabka Puntland waxay khatar ugu jiraan inay ku dhex-dhintaan qandaraasyo ay ku hardamayaan Mac-daarley miisaan koodu yahay dhakhliga bishii soo galaya, maadaama uusan dhamaad lahayn dagaalka Mac-daarlaydu
DHAMAAD.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.