Faallo:-Danaha Bariga Dhexe Ee R.Galbeedka iyo loolanka Shiicada

Danaha Siyaasadeed Maraykanka ee Bariga Dhexe,waxaa qayb ka ah in Shiicada iyo Sunniyiinta loolankoodu uusan dhamaan.

Hadafka daneed ee Maraykanka,waa in aan laga maarmin oo loo midoobin laguna mashquulin danihiisa.

15-kii Sano ee udanbeeyay,waxaa la diciifiyay awoodii Sunniyiinta ee Bariga Dhexe,waxaana kor loosoo qaaday awoodii Shiicada.

Sidoo kale,waxaa fursado loo siiyay Shiicada in ay iska dhiciyaan Sunniyiinta,balse Shiicadu markay guulo ka gaartay loolankii lagu taageerayay ee Sunniyiinta,waxay ugudubtay danihii Galbeedka iyo Israa’iil.

Hadaba,iyadoo laga duulayo xakamaynta awooda Shiicada ee xuduudii loo dajiyay soo dardartay,ayaa Israa’iil laga adeejiyay.

Laga soo bilaabo Xarunta Shiicada ee Tehran ilaa Yemen,waxaa lagu qaaday hawlgallo ka dhan ah Shiicada…

Waxaa lagu dilay Gantaal sababay in Fariintigiisii kaliya laga helo Jirkiisii,isagoo kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Baqdaad Qaasim Sulaymaani,Madaxii Maleeshiyaadka IRAN taageerto ee Bariga Dhexe iyo waliba Jeneral muhiim u ahaa Ilaalada Kacaanka.

Waxaa lagu dilay nidaamkii Diyaarada uu saarnaa oo lala wareegay MW-nihii IRAN.

Waxaa lagu dilay Gantaal Qolka uu ka jiifay Gurigiisa Tehran Caasimadii Shiicada hogaamiyihii Xamaas.

Waxaa lagu dilay Gantaal,isagoo jooga Caasimada Lubnaan iyo Taliskii ugu weynaa hogaamiyihii Xisbullaah.

Waxaa dhuumasha ku jira oo la qarinayaa Hogaamiyaha sare ee IRAN.

Waxaa Dhulka hoostiisa ku dhuumaalaysanaya hogaamiyaha cusub ee Xamaas.

Waxaa Taleefoonadooda Gacanta Bataraigiisa lagu qarxiyay Daraasiin Saraakiil muhiim u ahaa Xamaas iyo Xisbullah.

Waxaa diyaarsan dagaal Dhulka ah oo lagu galayo Koonfurta Lubnaan oo ka dhan ah Xisbullaah,waxaana duqaymo khasaare weyn dhaliyay laga fuliyay Siiriya iyo Yemen.

Sida muuqata Shiicada,waa la edbiyay,waana la tusay Danaha R.Galbeedka iyo amniga Israa’iil in aan lagu Ciyaari karin oo ay ku ekaaday la loolankooda Sunniyiinta.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading