Faallo:-Deni oo Siyaasiyan markale ka adkaaday Mucaaradka Hubaysan

Deni oo doorasho raba 8-da Janaayo iyo Mucaaradka oo leh sii joog aan sii murannee??!!

Markale,ayuu ka adkaaday oo ku qaawiyay Somalida horteeda kuwa sheegta Mucaaradka PL.

Saakay,waxuu gaarsiiyay in ay iyagu ka shaqeeyaan mudo kordhin iyo in uu Kursiga kusii fadhiyo.

Markaan lahayn kuwa Deni wax ku haysta ma’ahan qaan gaar Siyaasadeed dad baa diidanaa,saw Maanta idinma cadaan.

Maxamud Shido iyo Xasan Shire,Waa,ayaa ku baryay mana aysan filayn in Deni go’aankan qaadan karo.

Lacag ay doorasho ku galaan mahayaan,haday xataa helaana cid dooranaysaa majirto,waxa kaliya ee ay wax ku heli lahaayeen waa qaxa shacabka Garowe,iyadiina waa lasoo afjaray.

PL kuma sii jiri karto hubanti la’aan iyo koora ogadood in ay sii saarnaato,waana dhamaatay xilligii loolanka,waxaa la gaaray markii loo shaqayn lahaa mustaqbalka.

Udiyaar garow doorasho hadaad han leedahay,waxna kuu diyaarsan yihiin.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading