Faallo:-Deni oo xirfad Siyaasadeed heerkeedu sareeyo la dheelay Musharaxiinta

Xirfad Siyaasadeed,ayaa ka dhacday Puntland oo aan abid ka dhicin Somaliya inteeda kale laguna qaadan doono Jaamacadaha.

Wixii la doono hala sheego ee Deni,wuxuu dheelay Qoobka Ciyaar Siyaasadeed oo culus.

90% Xildhibaanada Mudug ishaysi kama jiro.
100% Xildhibaanada Nugaal ishaysi kama jiro.
90% Xildhibaanada Karkaar ishaysi kama jiro.
100% Xildhibaanada Sool ishaysi kama jiro.
90% Xildhibaanada Bari ishaysi kama jiro.
90% Xildhibaanada Sanaag ishaysi kama jiro.
100% Xildhibaanada Gardafuu ishahaysi kama jiro.

Isku cel cells 90% Xildhibaanada guud ahaantood lagama daba qaylinayo,waxaana lagu suurta geliyay xirfad.

Gudoomiyaha Gudiga khilaafaadku,isagaa is badbaadinayay oo u been guurayay Musharaxiinta uu Gacan toogleeyay ee Dowlada wax badan,ayuu la ogaa.

Musharaxa kaliya ee wax la fahansanaa Deni oo shaqaysanayay,wuxuu ahaa Xasan Shire oo xataa adeegsaday Xubintii Deni ehelka dhow la’ahayd,balse xogtiisa waa la helay,waana laga kala daadiyay shaqadii uu qabsaday.

Haatan waxa kaliya ee ufuran Musharaxiinta,waa in ay wajahaan Doorashada lana yimaadaan xirfad ka saraysa mida Deni oo aan ahayn Madaxtooyadaa lagugu imaanayaa.

Xaqiiqdii Deni,waa wajihi karaa Ciyaaro Siyaasadeed oo heer caalami ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading