Faallo:-Dilka hogaamiyihii Xamaas iyo saamaynta uu ku yeelanayo Iran

Iran markale,ayaa la ceebeeyay oo marada looga saaray Suuqa bartankiisa.

Hogaamiyihii Xamaasta awooda badan,ayaa lagu dhex dilay Hoygiisa Caasimadooda Tehran.

Ma’ahan,isagoo Suuqa maraya ama Masaajid galaya ama kasoo baxay ee waa Hoygiisa halkii uu kalsooni ahaan ku gam’ayay.

Horay,waxaa wax Shil lagu sheegay ku dhintay MW Iran oo waliba Maydkiisa mudo la waayay.

Hogaamiye sidaa muhiim u ah oo waliba ay iyagu taageeraan Martina u ah in lagu dhex dilo gudaha Dalkooda,waxay udhiganta weerar qaawan oo lagu soo qaaday Dalka Iran.

Haday xitaa Iran ka danbayso Dilka Haniya,waxay ahayd in ay ku fuliyaan qorshaha meel aan ahayn gudaha Dalkooda.

Israa’iil,waxay dishay 12-Saac ka hor Dilka Haniya hogaamiyihii ugu sareeyay Garabka Milleteriga ee Xisbullaah.

Sida wararku tilmaamayaan Haniya,waxaa lagu dilay Gantaal la hagayay,taasoo muujinaysa awooda Tiknoolajiyadeed ee Iran sida uhoosayso.

Caalamku,waxa uu sii xaqiiqsanayaa in Iran aysan ku filnayn sugida amniga Madaxdeeda iskabadaa in ay cid kale martigeliso.

Gantaalka lagu dilay Haniya,waa loo adeegsan karaa MW uu Martida u ahaa ee uu Caleema saarkiisa uyimid.

Iran iskuma dhererin karto Israa’iil sida muuqata.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading