Faallo:-Doorashada Puntland waa in ay ku qabsoontaa xilligeeda

Muhiimadu waa in Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu noo qabsoontaa si loo helo Madax Sharciyad haysata oo buuxisa doorka Puntland ee Dowlad dhiska Somaliya.

Puntland waa Maamul Dhul iyo Dadba saamayn weyn leh oo iskaga filan dhinacyada…

1.Maqaamka
2.Dhaqaalaha
3.Amaanka

Sidoo kale PL waa Maamul leh Laba Dekadood, iyo Sadex Garoon Diyaaaradeed,isla markaana qayb weyn oo muuqata ku leh dhaqaalaha Wadanka.

Si kale hadii loo yiraahdo Beesha MJ oo aan lahayn Maamul ahna kaligeed,ayaa ubabac dhigi jirtay loolanka Siyaasadeed iyo la goos goosiga hogaamiye walba oo yimaada Somaliya.

Hogaamiye aan cuqdad qabin oo raba Dowladnimo miisaanka reer PL waa umuuqdaa.

Sool in ay ka baxdo Puntland wax saamayn ah oo ay ku yeelanayso majirto,balse waxa kaliya ee la qiimaynayo waa….

1.Siyaasada Juquraafiga ee Geeska.
2.Mustaqbalka danbe ee Sool.

Hadii PL sheegashadeeda Sool ay ka tanàasusho,waxaa fursad helaysa SL oo reer Sool marna ma noqon doonaan Maamul la aqoonsan yahay ee waxay ku danbayn doonaan Shacab caraysan oo SL ka mid ah.

Qiirada iyo Caadifada aan loo meel dayin kadib SL waxay soo fariisan doontaa Tukaraq,iyadoo iska soo hormarinaysa reer Sool.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading