Faallo:-Doorkii Culumada Ahlu sunnah Ee Puntland oo la tabay

Waa dhab in si ka qurux badan sida uu udhigay Wiilkaa Dhalinyarada ah hadalkiisa udhigi karay,waxaana hadalkiisu gaf ku yahay kala danbaynta iyo Sharciga Puntland.

Shiikha Xaaskiisu danbi ma gelin oo waa Gabar reer Puntland oo Sharfan.

Culumadu,waa Tiir ka mid ah Tiirarka Bulshadu ku taagan tahay oo leh xurmo weyn,waase khaldami karaan,waana la dhaliili karaa.

Si gaar ah Shiikhan,waxaa kasoo baxa hadalo iska hor yimaada oo khatar ku ah Bulshada,waxaana ka muuqata in uu mudan yahay in dib u eegis lagu sameeyo masuuliyadaha uu hayo.

(Nimankaas,waa Islaam oo lama layn karo),Ma’ahayn hadal fudud oo la qaadan karo.

Nimanka uu leeyahay lama dili karo,waa kuwo banaystay Dadka reer Puntland…….

1.Dhiigooda.
2.Maalkooda.
3.Sharaftooda.

Wadaada Ictisaamka ee taageeraya Shiikhooda,waxaa ka maqan in ay si la mid ah hadalkiisana udhaliilaan.

Si gaar ah,waxaa lala yaabay Shiikh Fu’aad oo khayrka aad uga Shaqeeya in Sadexdii Bilood ee dagaalku socday uusan Maalin hadlin,balse Caawa waxa uu ufara baxsanayaa Wiil Dhalinyara ah oo khaldamay.

Xaniinyaha Wiilkaas loo hayo maa argagixisada lala aado?

Dhibku,waxa uu yahay Wadaadii Ahlu sunnah doorkoodii,ayaa ka maqan meesha,waxayna taasi fursad siisay Wahaabiyada.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading