Faallo:-Dowlada Fadaraalka iyo fashilka ka haysta xakamaynta amniga Muqdisho!!

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, halka dhaawaca uu ka badan yahay 88,waxaana ku baaba’ay hanti lagu qiyaasay Hal Milyan oo Dolar.

Weerarradan ayaa iskugu jiray qaraxyo iyo maleeshiyo gashay dhisme ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama.

Dhinaca kale, afaafka hore ee dhismayaasha qaraxa uu saameeyay waxaa ka muuqda bur bur xooggan, Gaadiid goobta yaalla oo dadkii watay ay qaarkood yaalaan Isbitaalada Muqdisho, waxaana laamiga ku arkeysaa dhiig daadsan.

Gaadiidka loo yaqaano Cagaf cagafta ayaa ku howlan faagida dhismayeyaasha burburay, waxaana sidoo kale warar qaar ay sheegayaan in ay wali jiraan dad la’yahay oo la baadigoobaayo.

In ka badan 20-saac markay goobta qaraxu ka dhacay ay haysteen Maleeshiyada weerarka soo qaaday,ayay Ciidamada Dowlada Fadaraalku ku guulaysteen in ay soo afjaraan.

Weerarkan waxuu imaanayaa,iyadoo qorshihii amni ee sadex sano ka hor laga hadlyay uusan waxba iska badalin,isla markaana Dowlada Fadaraalku sheegtay in ay ku kordhisay 4000 oo Boolis cusub ah sugida amniga Muqdisho.

Waxaa xusid gaar ah mudan wadada qaraxan ka dhacay in ay tahay mida kali ah ee Dowlada Fadaraalku si buuxda gacanta ugu hayso oo ay ku yaalaan Wasaarado muhiim ah,isla markaana toos u gasha Madaxtooyada Villa-Somaliya oo hoy u ah madaxad ugu saraysa Dalka.

Ilaa iyo hada masuuliyiinta Dowlada Fadaraalka wax ka badan canbaarayn iyo sawiro ay lasoo galaan dhibanayaashii qaraxa waxyeeladu kasoo gaartay lagama hayo.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading