Way muuqatay AS in ay usocdeen qabsashada Gobolka Shabeellada Hoose oo dagaalka ay ka wadaan Gobolka kale ee Shabeellada Dhexe ay uga gol leeyihiin mashquulin oo kaliya.
Haatan,waxay Gacanta ku dhigeen Buundooyinkii muhiimka ahaa ee Shabeellada Hoose sida Awdhiigle.
Sidoo kale,waxay Maanta qabsadeen Sabiid iyo Canoole,iyagoo dilay Talyihii Ururkii No-50 Jareer.
AS,waxay usocdaan in ay qabsadaan ugu danbayn Qaybo ka mid ah Xamar oo kala ah……
1.Deynile.
2.Suuqa Xoolaha.
3.Huriwaa.
4.Kaxda.
5.Ceelasha Biyaha.
Hadii ay usuurowdo AS in ay maamulaan Degmooyinkaas,waxay utahay fursad weyn,wayna adkaan doontaa in laga saaro.
Sidoo kale,waxay ka badbaadi doonaan Garaacista Diyaaradaha oo waxay dhexgeli doonaan Shacabka.
Sida wax ku socdaan AS haday galaan Muqdisho,waa burburkii Labaad oo ku yimaada Dowladnimada Somaliya
Xasan Shiikh,waxa uu noqon doonaa MW ay Gacantiisa ku burburtay Dowladnimada kadib 1991-dii.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.