Faallo:-Faroole shaqada utaal,waa in uu Garowe ka hor leexiyo Aaran-shaydaan

Umalayn maayo in Deni wax uga badalayo Gudiga khilaafaadka hadalka Faroole Xalay ula tagey.

1.Gudiga khilaafaadka sidiisa udaah,balse ku kab Afar Isin oo dul joogteeya.

2.Garaadada Sool la hadal oo Saxiixa iyagu ha yeeshaan intii Caaqilo soo Saxiixi lahaayeen Xildhibaanadooda.

Su’aalaha iswaydiinta mudan waxay yihiin?

B.Gudiga Deni magacaabay muxuu xoojin ugu baahday oo kuwii Cadde,Faroole iyo Gaas uga duwan yahay?

T.Reer Sool,waa la yaqaan Saxiixa Xildhibaanada cida leh ee maxaa tilmaanta gaar ahaaneed uyeelay?

Aaran-shaydaanka Xamar,ayaa laga biilaa,waxayna ku Lacag qaataan qorshaha ah..

B.Garowe ha gubato.
T.Deni Geeri iyo Xabsi mid halagu helo.

Dantoodu ma’ahan Doorasho ee waa burburin;waana sababta ay xataa uga soo horjeesteen Doorashadii ay udagaallamayeen.

Waxaa cadayn kuugu filan in Aaran-shaydaan fulinayaan qorshe oo meel laga hagayo,waxay raadinayaan mudo kordhin iyo in aysan Doorasho qabsoomin 8-da Janaayo.

Faroole shaqada utaal,waa in uu Garowe ka hor leexiyo Aaran-shaydaan haduu daacad yahay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading