Faallo:-Firdhiye waxuu ugogol xaaranayaa in uu Hargaysa ka dego ugu danbayn

Firdhiye oo sheeganaya hogaamiyaha Khaatumo,waxuu ka degi doonaa Hargaysa,isagoo heshiis buuxa la galay ugu danbayn.

Heshiiskaas,waxaa qandaraaskiisa qaatay Geelle iyo Xasan,waxaana maalgelinaya Ingiriiska.

Muqdisho,waxaa ugu xigi doonta Jabuti oo uu uga sii gudbi doono mudo kadib Hargaysa.

Waxa hada laga shaqaynayo,waa in Sharciyan looga saaro Sool Puntland-ta kale oo dooda lagu soo koobo SL iyo Sool.

Siyaasad xumida Firdhiye,waxaa tusaale kuugu filan..

1.Villa Somaliya aqoonsi xataa magac uyaal ah kama haysto.

2.BC ,xataa uma aragto Gudoomiyaha Gobolka Sool.

3.Puntland-tii Ciidan,Dhaqaale iyo Siyaasadba ku haysay meeshana,waxuu ku luminayaa ka qaybgalka Heritage oo ah Xarun falkisa Siyaasadaha Irir-samaale.

Hadalka Firdhiye Deni Dan uma ahan,Mucaaradna Dan uma ahan,Sool Dan uma ahan,isaga iyo hankiisa Dan uma ahan ee waa Ilduuf.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading