Faallo:-Hal Sano kadib Laascaanood oo aan xal Mustaqbal lahayn?

PlL $13-Milyan oo iskugu jira Saad,Qalab Ciidan iyo Mushahaar,ayay ku bixisay Xoraynta Sool Dowlad ahaan.

Dagaal Diblomaasiyadeed oo aad udag ayay ku gashay,kaasoo PL usameeyay Cadow badan oo heer caalami ah.

24-Cisho oo Shacabku Dhagaxtuur waday,ayaa la amray in Ciidanka PL gudaha ugalaan Magaalada.

Dagaalkii xaqiijiyay Guusha ee Goojacade,waxaa la galiyay Ciidamada ugu muhiimsan PL,iyadoo xogta dagaalka xataa laga qariyay Saraakiishii intoodii badbayd.

Laascaanood,waxaa Gacanta SL geliyay Xaabsade iyo Cali Sandulle oo kasoo kala jeeda Bah-Ararsame iyo Jaamac Siyaad oo Beesha Dhulbahante ah.

Hal Sano kadib lama hayo aragti unoqon karta Gobolkaas mustaqbal.

Dagaalkii,waa dhamaaday xalku,waa fahan Siyaasadeed oo jiho leh.

Sool Bari,Qaybo Buuhoodle ka mid ah iyo Degsiimo Sanaag ah,waxay ubaahan yihiin aragti ka fog mida Baraha Bulshada,Sheekada Qalaska,hunguri xumida iyo xog ogaal yarida kuwa Siyaasada ku matala.

Dagaalkaas,waxa uu ahaa mid nasiibdaro ah oo aan loo baahnayn,ayuu ahaa lagana baaqsan karay sababihii dhaliyay.

Kor iyo hoos,waxaa eediisa leh Muuse Biixi iyo go’aamadiisii aan ku fadhiyin ka fiirsiga.

Saakay in loo dabaaldego,waxay ilhaamo ku tahay Dadka reer Sool,waxayna Sharaf iyo burhaan utahay Somaliland oo umuuqanaysa Quwad Gumayste ah oo 2024 Beel udabaaldegayso in ay ka xorowday.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading