Faallo:-Haldoorka iyo Shacabka PL oo ku kala duwan aragtida DFS

Ra’isalwasaare Cumar Cabdirashiid iyo haldoorka kale ee Siyaasada Puntland,waxay ka aragti duwan yihiin Shacabka Puntland markay noqoto aragtida Siyaasadeed ee Somaliweyn.

Haldoorku,waxay qabaan in aan laga maarmin Dowlad Fadaraal ah oo Somali wada leedahay,gaar ahaan ay PL dani ugu jirto.

Dooda oranaysa Xamar waxba lama sii lahaan karno ayay ganafka ku dhufteen,waxayna leeyihiin,waa lama huraan Somali Siyaasada kusii midaysnaata.

Shacabka Puntland,way ka fogaadeen xamar iyo wax lasii lahaanshaheeda,waxayna ku doodayaan in ugu yaraan PL lagu mashquulo oo iyada laga shaqeeyo horumarkeeda ilaa laga helayo Somali kale oo udiyaarsan Dowladnimo.

Reer Puntland,waxaa niyad xumeeyay lugooyada joogtada ah ee uga imaanaysa mar walba Villa Somaliya.

15-kii Sano ee udanbeeyay Maamuladii iskaga danbeeyay Villa Somaliya,waxay ka dhibaateeyeen PL dhan walba.

Su’aashu waxay tahay?

Majiri kartaa aragti dhexe oo Shacabka iyo haldoorku iskugu imaan karaan?

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading