Faallo:-Imaansha Deni Ee Mudug maxay soo kordhinaysaa?

In Dowlada ku Shaqayso Gaalkacyo,waxay utahay Gobolka dhiirigelin iyo habacsanaan laga saarayo hay’adaha Dowlada ee Gobolka Mudug.

Bulshadu,waxay ubaahan tahay isbadal muuqda oo dhan walba ah,sababtoo ah,waxaa ka muuqda niyad jab.

Isbadalka Bulshadu rabto ma’ahan Shaqiyaad la badalo ee waa mid ay tahay in adeega Dowladeed laga arko.

Tusaale?

Dowlada Hoose ugu yaraan,waa in ay jiraan wax cusub oo ay kusoo kordhiso Magaalada.

Xaafiisyada Gobolka ee Wasaaradaha oo idil in ay wada furan yihiin oo ay leeyihiin Xarumo Qalabaysan oo loo Shaqo tago.

Sidoo kale in Xarumaha Amniga la dayactiro oo Qalabayn joogta ah lagu sameeyo,waa muhiim.

Ugu yaraan tagida MW ee Gobolku,waxay Bulshada utahay niyad dhis,kala warqaadasho iyo ku hirasho.

Sidoo kale,waxay usoo dhawaynaysaa Dowladnimada Gobolka.

 

 

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading