Faallo:-Jabka Aaran-shaydaan iyo fashilka Gaas iyo Cumar qabsaday,waa saxansaxadii Dimuqraadiyada.

Reer Puntland ha ogaadaan oo haku seexdaan in ay Dimuqraadiyad ugudbeen oo Somali ay hormuud ugu noqon doonaan markale….

1.Bishan,waxaa hirgalaya ansixinta natiijadii Doorashada Golayaasha Deegaanka si Dastuuriya.

2.Wax ka badalkii Dastuurka,ayaa dhamaystirmaya.

3.Bisha danbe,waxaa samaysmi doona Gudiga rasmiga ah ee Doorashooyinka PL (PEC).

4.Waxaa xigi doona diyaarinta iyo shaacinta Jadwalka Doorashada Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Majiri doonto mudo kordhin marka laga reebo ugu badnaan 3-bilood oo farsamo ah,waxaana Shacabka PL si toos ah ay usoo dooran doonaan Xildhibaanadooda iyo Madaxweynahooda inta udhaxaysa Oktoobar Sanadkan iyo Maarso Sanadka danbe.

Siyaasi Kursi doon ah iyo Isimo 66-doon ah,waxaa ka adkaaday Shacab Dimuqraadiyad doon ah.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading