Faallo:-Jen.Ilka-jiir waxaa looga saaray Golaha Wasiirada in uu yahay Qof wanaagsan

Xaqiiqdii,waa Oday Xishooda oo wax la hara,waana sababta Xasan uga saaray Golaha Wasiirada.

Sida Xasan ka rabo Dadka sida gaarka ah ugu matalaya awood qaybsiga Beesha Daarood ama PL,waxaad kaga tusaale qaadan kartaa Ilka Jiir Ninka lagu badalay.

Qof aan matalaad lahayn.
Qof aan waxba diidi karin.
Qof aan Xishoon.
Qof aan waxba la socon.
Qof aan waxba xeerin.

Xasan marna lagama filayn hab dhaqankan uu la yimid mudo xileedkiisan danbe,taa badalkeeda,waxaa lays lahaa Oday waayo arag ah oo saxa wixii Farmaajo khalday,ayaa yimid.

Balse,waxaa muuqata in uu qaatay Dhaqankii Farmaajo Qabyada ka noqday oo dhamaystiray waliba ,isagoo Ciil Qabyaaladaeed qaba.

Dowladnimada Somaliya soo kabashadeeda,waxaa dhaawac weyn gaarsiiyay iskaga danbayntii Farmaajo iyo Xasan kan danbe.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading