Madashu waa Dowlada Puntland, waa Dowlad hoos tagta Dowlada Federaalka ee Soomaaliya (federal system) waa dawlad jirsatay 25 sano ku soo dhaqmaysay xaaladaha kal xeerar kala duwan iyo dastuur kumeel gaar ah iyo mid rasmi.
Waa Dowlad ku soo caano maashay 25 sannadood nabad, amni, hormar iyo dhanka kaabayaasha dawladeed sida dhaqaalaha, haykal dawladeed, waxbarashada, dhismayaasha sida jidadka, garoomada diyaaraha, dakadaha IWM.
Waa dawlad galisay maal, muruq iyo caqli sidii soomaaliya uga bixilaheed burburkii soona kabato si soomaaliya oo wada jirta aduun waynaha wax ula qabsan laheyd.
Intaas markaan uga soo tago soodaalka puntland ee aan lagu soo koobi karin qormo yar. Faaladeyda maantay waxay dul taagantahay ugana dhigay ciwaan kala wareega dawalada puntland. Xukuumada ay ula baxday (geedi caano leh). Waa faalo ku salaysan cilmi kana fog danaysi qof ama siyaadeed. Waa faalo mudan in laga dhex baxo talooyinka ku jira.
Hadaba su’aasha iswaydiinta mudan baa waxay tagay yay dani ugu jirtaa kala wareega dawlada puntland (Geedi Caano Leh)? Waa su aal muhiim ah runtiina u baahan in la dhigo ama looga jawaabo sidii ay mudneed.
Mudo 25 sano ah in aan loo dareerin doorasho hal iyo cod (one man one vote) ama loo yaqaan doorasha azxaabta badan ma mudneen dawlada puntland ee federalka soomaaliyeed. Waa riyo iyo rajo ay sugayaan shacabka dawlada puntland waxayna ku qorneed axdiggii ama xeerkii ugu horeeyay ee lagu dhisay maamulka puntland 1998kii kaas oo dhahayay mudo oo cayiman in lagu qabto doorasho nadaamka axzaabta badan. Maamulka oo ahaa mid dhaqaale badan haysan, dagaalo badan ku furnaayeen, awood dhaqaale oo ku filan iyo hogaamiye si dhab ah u fuliya nadaamkaa ayaa dib dhacaa wayn keenay.
Maantay oo dawlada puntland awoodo xagg amni, dhaqaale, iyo awood fulinayn waa u mihiim in loo dareero doorasho nadaamka asxaabta badan. ( qof iyo cod) .
Waxaa u faaido badan dawlada puntland ee federalka soomaaliyeed in ay hirgaliso kala wareega doorashada deegaanka ee ah nidaanka asxaabta badan ( qof iyo cod) faaiidooyinka waxaa ka mid ah
1. Awooda oo dadkii dib loogu celiyay.
2. Dawlada puntland oo noqotay dawlad dhameestiran.
3. Qaneeecada shacabka oo sareynaysa xukuumad walba oo timaada.
4. Qaneecada beesha caalamka.
5. Awooda iyo talada puntland ee miiska wada hadalka oo buurta.
6. La xisaabtan dhab oo yimaad shacabka iyo dawlada.
7. Siyaasasa dawlada puntland ee gudaha oo fadhiisata.
Hadaba maantay iyo xalada kala wareega dawlada puntland waxay u baahantahay caqli ku salaysan maarayn wadahadal iyo fadhiyo badan iyo si is ogal ah qaabkii aan u gaari lahayn nadaamka aan kor uga soo faaloonay ee asxaabta badan.
Sidaa awgeed nadaamka kala wareega dawlada puntland ma lahan khasaaro faaiido ma ahane. Waxaa mudan oo raba in la sheego waa in nadaamka nagu cusubyahay taas oo sababaysa in siyaasiyiin badan ka qaadaan walwal iyo sas, taas oo keeni karta qalalaase siyaasadeed iyo mid dan gaar ahba. Si taasi aysan meesha u imaan waa in siyaasi walbaa niyada galiyaa faaiidada ay uu leeyahay kala wareegaan muhiimka ah. Waxaa ayadana mudan in la sheego in hirgalinta kala wareegaan ay ka imaanayaan khaladaad fara badan sida nidaamka diwaan galinta guud ee dadwaynaha iyo tan cod bixiyaasha, nidaamka doorashada iyo dhamaan xeerarka doorashada, sidaa awgeed waa muhiim in shacabka iyo siyaasiyiintuba ku baraarugsanyihiin balse aan la is hortaagin hadhowna gadaal loo saxo wixii khaldamay si hoose.
Waxaan ku soo gagabayn nidaamka kala wareega ee dawlada puntland ee asxaabta badan (qof iyo cod) waa tiir muhiim u ah puntland iyo shacabkeedaba si sidaa loo gaaro waxaan cod dheer ku leeyahay in aan la hor istaagin shacab iyo siyaasiyiinba loona tanaasulo danta guud ee dawlada puntland ee federaalka soomaaliyeed.
WQ:-Aqoon-yahan Sadiiq Cabdi Cali (Cilloon)
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.