Faallo:-KG waa mid ka mid ah Tiirarka Nidaamka Fadaraalku ku taagan yahay

Madaxweyne Laftagareen,waxaa laga rabaa in uu fahmo waaqiciga oo la jaanqaado isbadalada socda.

KG waa Deegaan iyo Maamul muhiim u ah Dowlad dhiska iyo Fadaraalaynta in uu fashilmana,waxay ka dhigan tahay in Dowladnimadii duntay.

Si KG uga badbaado fashilka imaan kara,waa in Laftagareen sameeyaa isbadalo waa weyn oo ay ugu horeeyaan dabacsanaan,soo dhaweyn,wada xaajood iyo soo jiidasho Siyaasiyiinta,Aqoonyahanka iyo haldoorka kale ee Bulshada KG.

Bixitaanka Ciidamada Itoobiya hadaan la helin KG aragti midaysan ka qaadata oo qorshe ay ku midaysan tahay wada samaysata,waxaa ka imaanaya khatar jiritaanka Maamulka soo khalkhal gelin kara.

PL si gaar ah,waxaa la gudboon in ay Gacan ufidiso KG oo kala shaqayso in ay ka gudubto xiligan adag.

KG waa mid ka mid ah Tiirarka Nidaamka Fadaraalku uu ku taagan yahay oo mudan ilaalin.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading