Faallo:-Khataraha Amaan Ee Ku hareeraysan Magaalada Muqdisho

Afartii Beri ee ugu danbaysay Xamar,waxaa lagu dilay 21-Qof oo ay ku jiraan Sadex Ganacsade marka laga reebo Qaraxa Maanta ka dhacay.

Ganacsatada la dilay,waxay eersadeen Kaamirooyin Maamulka Xasan ku amray Ganacsatadu in ay ku xiraan Goobahooda Ganacsi.

Maxaa khatar ku ah amniga Xamar?

1.Lacagta
2.Qabiilka.
3.Argagixisada.
4.Safaaradaha.
5.Hay’adaha.
6.Siyaasinta danaystaha ah.
7.Madaxda hay’adaha amniga.

Todobadaas Qodob ee khatarta ku ah Amniga Xamar,waxaa mid walba laga samayn karaa Qormo ugaar ah.

Sidoo kale,waxaa samaysmay ugu yaraan 5000-Qof oo iskugu jira Siyaasiyiin,Ganacsato,Ciidan iyo Shaqaale oo 7-daas Khatarood fuliya kuna soo qaata Dhaqaale.

Ilaa iyo hada lama helin hogaamiye ku dhiirada in uu burburiyo Shabakadahaas.

Nasiibdaro,MW,Wasiirka iyo Talyaha yimaadaa,waxa uu qayb ka noqdaa dabaqadaas khataraha ka Shaqaysa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading