Faallo ku saabsan Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka B&K Dalka

Fashil,ayuu kusoo idlaaday Shirkii Madaxda Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka ee Muqdisho ka socday maalmihii udanbeeyay.

Qodobadii muhiimada lahaa ee quseeyay Doorashooyinka laguma xusin Warmurtiyeedka.

Qodobka Amaanka si macna leh uguma aysan hadlin oo ma faahfaahin xiliga hawlgalka Galmudug soo dhamaanayo iyo qorshe guud oo dagaalkaas ku salaysan.

Sidoo kale Cutubyada waxka badalka Dastuurka ee Xasan sameeyay DG si cad uma aqbalin kaliya,waxay soo dhaweeyeen Shaqada socota.

Waa la filayay in Warmurtiyeed noocaan ah uu kasoo baxayo Shirkan marka la qiimeeyo xogihii laga helayay.

17-May oo Laba Sano ubuuxsantay in Xasan la kulmo waji gabaxan,waxay ka dhigan tahay in uu siyaasiyan dhintay.

DG waxay toos u aadayaan Doorashooyinkooda dadban,taasoo ku ah dhabarjab weyn qorshihii Dastuur iyo Doorasho ee Xasan.

Labada Sano ee uharsan Xasan,wuxuu ahaanayaa Mayd siyaasadeed.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading