Faallo:-Kulanka Bulshada Nugaal iyo Dowlada Puntland

Madaxweyne Deni inta uusan aadin Mudug in uu la kulmo reer Garowe,waa loo baahnaa oo waxay meesha ka saaraysaa tuhumo si khaldan loo turjumi lahaa.

Waa loo baahnaa kulankan Dowlada oo uu hogaaminayo Madaxweynuhu ay kula kulmeen Bulshada Nugaal qaybaheeda kala duwan.

Iswaraysigan,wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta Dowlada iyo Shacabka iyo guud ahaan midnimada Puntland.

Si gaar ah reer Nugaaleed,waxay ubaahan yihiin in lagu noqnoqdo,sababtoo ah,waxaa mudo Saldhig ka dhigtay kooxdii Midowga Shayaadiinta ee xumaanta faafin jirtay.

Dowladu,waxay ka faa’idaysaa kulankan…

1.In aan loo kala waramin Dowlada iyo Bulshada.

2.In dhamaystirka Dimuqraadiyada aysan caqabad ka hor imaan.

3.In reer Garowe ay u arkaan Dowlada Deni mid aan laga xigin.

Muhiimadu kulanku ma’ahan in Dadka Qado la siiyay ee waa in ay dareemeen karaamayn iyo la tashi in lala sameeyay.

Xurmada iyo sharaftu,waa waxa ugu sareeya ee ay ilaalshadaan reer Puntland ama ay ku diriraan.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading