Faallo:-Kulanka Jabuti Ee Xasan Shiikh iyo Muuse Biixi

Maanta,waxaa Jabuti ku kulmaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraaliga ah Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Wada hadalkoodu,wuxuu daaran yahay sidii dib loogu bilaabi lahaa waxa loo yaqaan wadahadallada Somaliya iyo Somaliland.

Kulankan,waxaa qayb ka ah Cabdikariin Guuleed oo ah Ergayga Xasan Shiikh ee Somaliland wada xaajoodkeeda uqaabilsan.

Somaliland-ta Muuse matalayo,waa mid ay qayb ka yihiin Gobollada Sool iyo Sanaag.

Su’aalaha muhiimka ah ee mudan in lays waydiiyo waxay kala yihiin??

1.Afar Nin oo isbahaysi Siyaasadeed oo Beelaysan ah maka wada hadli karaan arin quseeya masiirka JFDS?

2.Arin saamaynaya Dhul iyo Dad Beesha Daarood ah la’aantood Malaga shiri karaa oo go’aamo Malaga gaari karaa?

3.Musharaxiinta Madaxweynaha PL ee soo saaray Xildhibaanada Sool Baarlamaanka PL yaysan gelin maxay ka duuleen?

4.Garaadada Sool ee caadifada wax kusoo saaray yay u adeegeen?

5.PL oo fasaxday Sool oo aan meelna haysan saw SL Muuse hogaaminayo cidlo kama heleen Saakay?

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading