Faallo:-Kulankii Trump iyo Zelensky Ee Caalamka ka yaabiyay

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, iyo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa dood adag dhex martay kadib markii ay isku khilaafeen arrimaha dagaalka Ukraine iyo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

Trump wuxuu ku adkeystay in Ukraine looga adkaanayo dagaalka, isagoo sheegay in askarta dalkaasi sii yaraanayaan, dadkuna dhimanayaan. Wuxuu uga digay Zelenskyy in haddii uusan heshiis la gaarin, Mareykanka uu ka joojin doono taageerada. “Haddii aan baxno, adiga ayaa la dagaallamaya, waana ogahay inaysan fiicnaan doonin,” ayuu yiri Trump.

Zelenskyy wuxuu si toos ah u eedeeyay Trump inuu aad ugu jilicsan yahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuuna uga digay inuusan “la heshiin dilaaga.”

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay markii Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, uu Zelenskyy ku eedeeyay inuusan ahayn mid ixtiraam leh inuu xafiiska Oval Office ugu yimaado Trump isagoo doodaya. Trump-na wuxuu ku raacay, isagoo dhaliilay in Zelenskyy uusan u mahadcelin Mareykanka.

Kadib kulankaas muranka badan dhaliyay, Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray in Zelenskyy uusan diyaar u ahayn nabad haddii Mareykanka ku lug leeyahay. Wuxuu intaa ku daray in Ukraine ay dareensan tahay inay faa’iido badan ka helayso taageerada Mareykanka, balse isaga uu doonayo nabad.

Arrintan waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Ukraine, iyadoo Trump doonayo in dagaalka la soo afjaro si dhaqaalaha Mareykanka loogu isticmaalo wax kale. Laakiin taasi waxay cabsi weyn gelisay Kyiv iyo xulafadeeda Yurub, kuwaas oo ka baqaya in Ukraine lagu qasbo heshiis u janjeera dhinaca Ruushka.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading