Faallo:-Lataliyaha Amniga waa jago sare oo maqaam leh.

Aamiin,waa uqalmaa marka la qiimeeyo khibradiisa shaqo ee dhanka amaanka,balse dhanka qaadista masuuliyada ma mudna in Amniga PL lagala tashto.

Madaxweyne Deni dhaqamadiisa kama mid ah in uu cid la tashto,waxaase muuqata in Aamiin cid la tashanaysaa aysan jirin ee Madaxa loogu qarinayo.

Lataliyaha Amniga ee MW PL,wuxuu Xubin ka noqonayaa Xubnaha guud ee Amniga Qaranka Fadaraalka oo hoos yimaada Lataliyaha Amniga Qaranka MW Fadaraalka.

Miisaaniyad fiican,ayuu leeyahay oo ka timaada kabista BC,waase hadii Madaxtooyadu gudbiso oo si rasmi ah looga dhigo Lataliye Amniga ah ee MW Puntland.

Si kastooy tahay Deni waa ku khasaaray udhiibistii Ciidanka PISF Aamiin Xaaji Khayr.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading