Faallo:-Loolanka Ilmo Diyaano,waxa uu ku lumin doonaa Maraykanka MW Deni.

MW Deni cid ka yeelaysaa majirto in uu kala jaro PL iyo BC.

Dabacsanaan,furfurnaan,maarayn,isku wadid iyo dhexgal Diblomaasiyadeed,ayaa laga rabaa Deni.

Reer Galbeedku,iyagaa iska leh Wadankan oo maalgashtay,waana khasab in wada shaqayn lala yeesho Diblomaasiyiintooda.

Imaaraad kuma filna in ay uga shafeeco qaadaan Reer Galbeed xatii xaaladu adkaato,waxaana tusaale Deni ugu filan Farmaajo oo ugu danbayn Qadar in uu dego fasax Maraykan looga baahday.

PL ma qaadi karto loolan Maraykan si gaar ah.

Ma dayici karto Maraykanka oo kuma Ciyaari karto,weli fursad baa jirta oo Reer Galbeedku,waxay u arkaan Shacabka iyo Maamulka PL hormuud qiimo badan,kaliya waxay dhaliilsan yihiin MW Deni.

Deni,waxaa ugu filan fariin garaacista Buuraha Bari ee la siinayo Xamar,haduusan gadaal udagina PL waxa uu soo jiidi doonaa dhaawac Siyaasadeed oo aysan qaadi karin.

Waa in uu Maraykanka waxa uu rabo aqbalaa,isla markaana shuruudo dabacsan ku xiraa kana hor leexdaa Ilmo Diyaano.

Loolanka Ilmo Diyaano,waxa uu ku lumin doonaa Maraykanka.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading