Faallo:-Ma dhabaa in DFS aqbashay in ay Itoobiya usaxiixdo heshiis la mid kan SL la gashay?

Weftiga Somalida ku matalaya wada xaajoodka Itoobiya,waxa uu gaaray Turkiga,iyadoo uu ku jiro Lataliyaha Amniga Qaranka Xasan Shiikh.

Waxay ku timid tagida weftiga Somalida ee Turkiga,iyadoon wakhtigii la ballansanaa aan la gaarin Turkidua oo soo jeediyay in wakhtigii ballanta wax laga badalo,isla markaana Somalida iyo Turkidu ay kulan hordhac ah sii yeeshaan ka hor intaan kulanku furmin.

Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga,waxa uu sheegay in Itoobiyaanku aqbaleen ka laabashada heshiiskii isfahan ee ay la galeen SL.

Itoobiyaanka,waxaa cadaadis ku noqday Sadex arimood oo kala ah…..

B.Saamaynta Dhaqaale ee gaaraya $9-ka Bilyan ee Turkigu ku leeyahay Itoobiya.

T.Heshiis Simaliya iyo Turkiga ee dhanka Badda oo ay aqoonsatay Gaashaanbuurta Nato.

J.Ciidamada Masaarida ee kusoo biiraya kuwa Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta ujooga Somaliya.

Itoobiyaanku,waxay wataan shuruudo ay ku badalanayaan ka tanaasulka Heshiiska SL ay horay ula galeen.

Balse ilaa iyo hada majiraan Shuruudo Itoobiyaanku soo bandhigeen.

Dhanka Somalida uma diyaarsana Shuruudo cusub oo Itoobiyaanka ay hordhigayaan marka laga reebo kuwoodii hore ee ahaa in ay Itoobiya ilaaliso Midnimada iyo Madaxbanaanida Somaliya kana laabato heshiiska ay la gashay SL.

Turkidu,waxay muujinayaan in ay Somalida si gaar ah wax ula wadaan,waana sababta keentay in weftiga Somalida ay uyeeraan ka hor furitaanka Shirka si ay wax ula fariisiyaan una kala warqaataan.

Turkiga dantiisa Qaran dhan walba,ayaa gashay in Somaliya iyo Itoobiya xal ka gaaraan khilaafkan.

 

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading