10-Tuulo oo si gaar ah ay udegto Beesha Harti Abgaal,ayay argagixisadu la wareegtay Maalin ka hor.
Sidoo kale,waxay argagixisadu khafiifisay Canshuurtii Ganacsatada Xamar ay ka qaadi jirtay.
Waxay kaloo joojisay argagixisadu Qaraxyadii aan kala sooca lahayn ee Shacabku ku dhamaan jireen.
Si la mid ah arimahaas,waxay dhisayaan Gudi Siyaasadeed oo diyaariya Siyaasad ay kula xaajoon karaan Caalamka sidii Daalibaan.
Ujeedka ay usamaynayaan Sadexdan Qodob,waa…
1.In ay Shacabka soo jiitaan oo yareeyaan culayska iyaga uga taga.
2.In ay udiyaar garoobaan la wareegida Maamulka Xamar.
Markaad aragto dhaqdhaqaaqa argagixisada ee soo xoogaystay iyo qorshayaasha isbadal ee ay Bulshada kula dhaqmayaan oo aad ku darsato Dhaqaalaha loo la’a yahay Ciidamada Midowga Afrika,waxaa kusoo baxaya in uu jiro qorshe la mid ah kii Afgaanistaan.
Ciidamada Midowga Afrika Dhaqaalihii Maraykanku ku bixin jiray,waa yareeyay,waxaana Wadamada Afrika laga dalbaday in ay doorkooda qaataan oo ay bixiyaan 25% Dhaqaalaha baxaya,halka Afrikaanku ayba Dhaqaale usoo raadsadeen hawlgalkan B&K Somaliya.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.