Faallo:-Ma loo baahnaa xilligan dib uhabaynta Dastuurka Jubaland?

Shaqo wanaagsan,ayaa laga qabtay dib uhabaynta Dastuurka Jubaland oo waxaa lagu sii fariisiyay nidaamka Fadaraalka ah.

Erayga ah Dowlada Jubaland ee Xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka”. Waa meel galaa loo baahnaa.

Dowlad Goboleed in meesha laga saaro oo si rasmi ah loo qaato Dowlada,waa Qodob isaguna la asiibay.

Sidoo kale mudo xileedka MW JL in 5-Sano laga dhigo,waa Qodob kale oo mudnaan leh.

Hanaanka Dowladnimo ee JL in uu noqdo isku jir Baarlamaani iyo Madaxtooyo ma xuma.

Sidoo kale,dib uqaabaynta Garsoorka,ayaana iyaduna xiiso leh sida loo ururshay oo loo koobay.

Si guud in Dastuurka JL Qodobada uu ka kooban yahay lasoo urursho oo hab qoraalkiisana dib loo saxo,waa Shaqo wanaagsan oo la qabtay.

Qodobadan,waxay sii xaqiijinayaan nidaamka Fadaraalka ee Dalka,waxayna soo afjarayaan hankii Xasan uu Dastuurka Fadaraalka ah ku burburinayay.

Waxaa lagu diiday Xasan Sh. Sadex maqaam oo kala ah….

1.Madaxweynaha oo Hogaamiye loo badalo.
2.Dowlada JL oo loo badalo Maamul.
3.Gudi iyo Shuruuc Xamar laga soo sameeyo.

Axmed Madoobe haduu kusii adkaysto Wadadan,wuxuu noqonayaa Masuul uhooliyay nidaamka Wadanka oo qaatay door loo baahnaa xilli muhiim ah.

Waxaa iyaguna bogaadin mudan Baarlamaanka Jubaland ee qabtay Shaqadan,waxaana la oran karaa waa mid ka mid ah Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee ay qabtern mudadii ay jireen.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading