Faallo:-Ma mudnayn in Shirka Qurbajoogta Ee Doha loo diro RW Jamhuuriyada

Shir Qurba joog Somaliyed leedahay oo lagu qabanayo Qurbe kale maxay tahay macnaha ku jira oo RW u aadayo?

Qurbajoogta Somaliyed kulankoodu,wuxuu macno yeelan lahaa markii ay gudaha Wadanka ku kulmaan.

Mida kale oo iyaduna meesha ku jirta,waa in Shirkan ay Dowlad shisheeye dano dhexmarsanayso,iyada muhiimad Qaran uleh.

Xamse loolanka ka socda Xaafiiskiisa in uusan waxba ka gelin oo uu Magac uyaal yahay,waxaa kuu muujinaya sida uusan udareensanayn.

Markaadan waxa socda saamayn ku lahayn oo Kursigaaguna xawilan yahay,sida Xamse,ayaa laguu dirayaa meel aysan waxba ka jirin.

Ma ahayn maalin uu udhoofo kulan aan qiimo ulahayn danaha Qaran RW masuul ah oo Shaqadiisa yaqaan,isla markaana fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah oo umadaxbanaan.

Xaalka ka jira Somaliya Maanta ,waxaa mudan in xataa loo baajinayo kulamada muhiimka ah,sababtoo ah Arimaha gudaha,ayaa mudnaan ka leh arimaha Dibada.

Xamse in laga dhigo RW Jamhuuriyada,waxay ka dhignayd in Dowladnimada la burburinayo,sababtoo ah malahan kartiteeda,aragtideeda iyo miisaankeeda.

Xasan Shiikh,dib udhac weyn,ayuu gaarsiiyay soo kabashadii Dowladnimada Somaliyed.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading