Faallo:-Madaxweyne Deni ma haysan doonaa taageerada Reer Mudug ?

Waxaa loosoo dhaweeyay si sare oo uu mudnaa.

Reer Mudug,gaar ahaan Beesha Cumar Maxamuud taageerada ay uhayaan Deni Shacab iyo haldoor Mugdi ma gelin weli,waxaana muuqata in ay hadaf kula socdaan aan isbadalayn.

Waxaa cajiib ah Qurba joogta Beeshaas sida aan gorgortanka lahayn ee ay utaageerayaan Deni.

Dhowr Qodob ayay kula socdaan Deni Bulshada Beesha Cumar Maxamuud markaad baaris ku samayso….

1.Waa isku haynta PL-ta balaaran.
2.Waa Xamar iyo loolankeeda joogtada ah.
3.Amniga Gobolka Mudug.
4.Dekeda iyo Wadada Garacad.
5.Hogaamiye kale oo Siyaasadeed oo ku qabsada oo aan jirin.

Su’aasha waxay tahay?

Deni ma yahay hogaamiye haysan kara Bulshada iyo taageeradooda?

Deni ma yahay hogaamiye fahmi kara taageeradiisa in aan lagu khasbanayn aysana ahayn Waajib?

Qodobada Reer Mudug Deni kula socdaan,waa cad yihiin ee isagu ma yahay hogaamiye ka jawaabistiisu cadahay?

Safarkan waa mid tijaabo unoqon doona in Deni sii haysto taageerada Mudug iyo in uu lumiyo,wuxuuna kusoo beegmayaa markale dib usoo laabashadiisii oo ay door weyn ku lahaayeen.

Looba jooge Reer Mudug iyo Deni waxa ay kala faa’idaan.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading