Faallo:-Magaaladii Calanka Buluuga ah laga hor taagay oo Caawa uu Xaaraan ka yahay

Magaaladii ay ka hor curatay Xoriyada Ummadda Somaliyed ee Hargaysa in Caawa Calanka Buluuga ah xaaraan ka yahay oo aan looga dabaal dagayn Midnimada Somaliyed,waa jab ku dhacay Wadajirka Ummadda Somaliyed.

40-Sano ka hor Siyaasiyiin qayb ka ahaa Qaranimada Somaliyed Caawa in ay qayb ka yihiin kala taga Qaranimada,waa jab Labaad oo ku habsaday Qaranka.

Xaqiiqdii Somalida oo isxumanaysa in ay Caawa isdhaafsanayso hadalo xanaf leh,iyadoo ay tahay Maalintii Midowgeeda,waxay ku tusaysaa sida loo kala fogaaday.

Si gaar ah Somalida aan kasoo jeedin Waqooyiga ee fariimaha qalafsan udiraya kuwa Waqooyi,waxay lumiyeen doorkoodii dib umidaynta Ummadda Somaliyed.

Hadii 64-Sano ka hor Hargaysa ay Somali midowgeeda awgeed Odoyaal uga soo tageen,waxay ahayd in Maanta la helo Odoyaal sidaas oo kale sameeya.

Heesaha Hargaysa Caawa ka baxaya,waa kuwo Qalbiyada waxgaradka Somaliyed aad udhibaya,balse waxmagaratadu qaybna ku raaxaysanayso qaybna ka falcelinayso.

Hadaad aaminsan tahay Somalida in ay ugu badiso Midowga door ka qaado isku soo dhawaan shaheeda.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading