Faallo:-Majiraan Siyaasiyiin JL ka samayn kara isbadal Xilligan?

Majiraan awoodo kale ama Siyaasiyiin kale oo keeni kara isbadal JL ka dhaca Bishan iyo tan danbe.

Majiro Siyaasi awood uleh in uu Gedo ama Jubooyinka ka abaabulo Shir ay kasoo baxaan hay’ado Dowladeed oo JL leedahay oo la loolami kara kuwa Axmed.

Axmed waxa uu haystaa Hal Magaalo iyo Ciidan ugaar ah,mana agtaalo Dimuqraadiyad iyo wax wada lahaansho,waxaa wax ka ridan kara Siyaasi miisaan leh oo samaysan kara JL la mid ah mida Axmed.

Axmed Madoobe mahayo Caasimadii Dastuuriga ahayd ee JL.

Axmed mahayo Ciidan JL wada leedahay.

Axmed mahayo Dhaqaale iyo Siyaasad JL wada leedahay.

Sidaa daraadeed Qalfoofta nidaam ee JL in ay jirto,waa noo muhiim oo aan Axmed ku garabsiino in uu Canshuurta Kismaayo iyo Ciidanka Kenya ku haysto qayb ka mid ah Koonfurta Wadanka.

Kismaayo,waxa kaliya ee loo hakan karo ee ka jira,waa hanaankii hogaamiye kooxeedka oo loo badalay hanaan Maamul si walba uu uyahay Hal Nin wax kusoo dhamaanaya.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading