Faallo:-Mala joogaa xiligii PL raadin lahayd Jamhuuriyad gaar ah?

Fiqi in uu yiraahdo Dastuurkii uu ku dhaartay,waxaa noosoo samaysay Itoobiya?

Sidoo kale yiraahdo Dowlada uu Wasiirka ka yahay,waxaa noo keentay Itoobiya?

Labadaas,waxay ku tusayaan Sadex arimood oo kala ah…

1.Xamar aragtida taala.

2.Dowladnimadii Xamar la geeyay meeshay ku danbaysay.

3.Dadka lagala xaajoonayo masiir Umadeed midabkooda sida uu yahay.

PL maxaa qabta?

In ay ku adkaysato mowqifka hada ay taagan tahay ee ah in aysan qayb ka ahayn Dowladnimada Xamar taala,taasoo keeni doonta in awoodihii ay horay ubixisay dib ugu soo laabtaan oo Wadanku kusoo noqdo Sadexdii qaybood halka hada uu ka yahay DFS iyo DG.

PL way muujisay Siyaasiyan in ay istaagi karto keli,isla markaana Dhaqaale ahaan Dowladu isku filan tahay,waxay ubaahan tahay Dhowr Mashruuc oo Shaqo abuur Bulsho sameeya.

Rajada PL,waa Xamar oo laga soo cesho Shatiga aqoonsi ee yaala Qaybtii PL ay ku lahayd sida SL oo ugu yaraan xataa hal wareeg Doorasho aysan qayb ka noqon oo Xildhibaanada matalaya Xamar laga soo xusho,taasi waxay keenaysaa in caalamku aqbalo in aysan waxba ku lahayn Dowladnimada Xamar lana sii kala fogaado oo ay diciifto Villa Somaliya.

MW Deni in uusan Xamar han Siyaasadeed uraadsan,ayaa,iyaduna xalka ku jirta oo uu masiirka PL ka hormariyo rabitaankiisa.

Waa in reer PL xaqiiqsadaan khalad in ay galeen markii ay sameeyeen dhowr arimood…

B.Gayntii Xamar ee Dowladnimada.
T.Ka saaridii KMG.
J.Samayntii Dastuurka.
X.New Dealkii.Kh.Wareejintii Hawada.

Xamarta Maanta jirtaa ma gaarsiisna Dowladnimo iyo Somalinimo.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading