Faallo:-Map-ka khaldan iyo saamaynaha kala duwan Ee uu dhaliyay

Map-ku Laba arimood,waa sababay….

1.Xafladii Xasan ee Markabka oo aad loo buunbuunshay,waxay ka dhigtay khasaare oo waa micno tirtay.

2.Deni,waxay unoqotay Suuq geyn oo khudbadiisii Baarlamaanka,waa uxoojisay,waxayna usoo jeedisay dareenka Bulshada,isla markaana,waxay Afka uga xirtay Cid walba oo Mucaarad ku ahayd.

Map-ku,waxuu dhalin karaa Sadex Arimood oo dibada ah…..

1.In Dowlada Turkiga dib u Eegto qorshaheeda Shidaal baarista,iyadoo ubaqaysa amaanka Markabkeeda Qaaliga ah.

2.In Dowlado ama Shirkado kale oo Maalgashi Tamarta ah soo waday ay hakadaan,iyagoo amaanka ka Eegaya.

3.In ay ka faa’idaystaan kala qaybsanaanta Beelaha Somalida Dowlado ama Shirkado aan rabin horumarka Somaliya.

Map-ku Hal Qodob,ayuu Suuq siiyay,kaasoo ah….

Doodii Itoobiya ay usheegaysay Caalamka ee ahayd,waxa kalifay in aan SL heshiis noocaas ah la galno,waa in Dowladnimada Somaliya ay burbursan tahay oo aysan lahayn maqaam iyo Qiimo wax lagula heshiin karo.

Raaligelinta DFS?

Si kama ah hadii loo keenay Map-ka Xaflad sidaa loo buunbuunshay,waxay muujinaysaa fashilka jira oo ah in aan xataa laga warqabin waxa lagu soo bandhigayo sidaa loo buunbuunshay oo amaanka xataa saamayn kara.

Sidoo kale hadii kas loo keenay,waxay muujinaysaa aragtida guracan,hab fikirka khaldan iyo Niyad xumida Madaxda DFS oo ugu horeeyo Xasan Shiikh.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading