Faallo:-Map-ka,waa Danbi weyn oo uu galay Maamulka Xasan Shiikh.

Map-ka ay shaacisay Wasaaradiisa Batroolka,wuxuu la mid yahay hadalkii Xasan ee ahaa “24-Cisho ayay PL ku burburaysaa”.

Waa wax muujinaya Niyad xumida Xasan,wuxuuna toosin uyahay kuwa Deni,ayaa Shaqo iyo Mashruuc noo diiday kula jooga ee PL kasoo jeeda in Xasan yoolkiisu ka shisheeyo waxa iyagu ay ku qanacsan yihiin ee gaaban.

Ujeedka Map-ka?

1.In Dhulka aysan degin Beesha MW Xasan laga dhigo Deegaamo aan laga Qodi karin Shidaal sida….

B.JL.oo laga dhigay Dhul lagu muran San yahay.
T.KG.oo laga dhigay Dhul lagu muran San yahay.
J.PL.oo laga dhigay Dhul lagu muran San yahay.

2.In hadii Afkiisa uu noqdo dhanka PL ee Garacad Balooga 130 oo ah kan la saadaalinayo in uu ku jiro Kayd Shidaal oo fara badan Markabka Turkiga uu galo laguna doodo waa Dhul lagu muransan yahay ee maanan gelin Xuduuda PL.

Somaliya 30-kii Sano ee udanbeeyay loolan Qabiilada udhaxeeya oo dhaliyay Colaado,ayay kusoo jirtay,haatana,waxaa bilowday loolan Qabiilaysan oo Tamarta ah,kaasoo ay ku kala daaban yihiin Dowlado Shisheeye.

Shidaalka ugu badan ee ku jira Badweynta Hindiya,waxaa laga helay Deegaamada PL oo la qiyaaso Kayd gaaraya ku dhawaad 130 Baloog.

Maamuladii iskaga danbeeyay ee PL hogaaminayay,waa wada diideen in Villa Somaliya Ninka fadhiya ku tagri falo kaydkooda,sida Koonfurta oo aysan jirin Cid ilaalsanaysa Dhulkaas.

Mudug,waa Gobol xasaasiya oo colaadihii sokeeye Xudun u ahaa hadii haatana loolanka Tamarta uu Saldhig unoqdo Somaliya markale,waxay galaysaa Colaad cusub.

Dadka wada dega Mudug,waxay ku guulaysteen wax walba oo soo dhexmaray in ay Nabad kuwada noolaadaan oo Gaalkacyo camiran ay ku tartamaan horumarka,waxaase mar walba khatar ku ahaa Siyaasiga Xamar fadhiya,gaar ahaan Xasan Shiikh.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading